TEL: +252 905 050 101
Kor u Qaadista Adeegyada Bulsho sida: Caafimaadka iyo Waxbarashada
Wax ka Qabadka Sicirbararka Quudka iyo Koronta
Waxaan samayn doonaa hay'ad xaqiijisa in waxyaabaha daruuriyaadka ah sida quudka iyo dawada had iyo goor la heli karo, ilaalin doonaana tayada quudka iyo dawada dalka la keenayo,
Waxaan ilaalin doonaa sicirka daruuriyaadka dowladuna waxay samayn doontaa in canshuurta ugu jaban laga qaado daruuriyaadka si bulshadu u hesho quud iyo dawo ay awoodi karaa,
Waxaan dhiiri gelin doonaa isticmaalka korontada dabaysha iyo qoraxda laga dhaliyo, maadaama dalkeenu labadaba hodan ku yahay, si bulshadu hesho koronto sicir jaban oo ay awoodi karaan, sidoo kale si ganacsigu u kobco, maalgashina loo helo waxaa halbowle u ah koronto jaban......
La Dagaalanka Maandooriyaha iyo Daryeelka dadka Dhimirka Qaba
Waxaan qaban doonaa shirweyne looga arinsanayo khatarta maandooriyaha, anagoo ku casumi doona khubarado talo ka bixisa arimahaas, anagoo diirada daasi doona, ka hortaga iyo dabargoynta iyo daryeelka dadka isticmaala maandooriyaha,
Waxaan abuuri doonaa wacyigelin aan siindoono waalidiinta iyo ubadkaba ee ku aadan khatarta maandooriyaha, kana bilaabi doonaa iskuulada waxbarasho,
Anagoo kaashanayna hay'adaha khibrada u leh, waxaan dhisi doonaa xarun lagu xanaaneeyo dhalinta dhibaatada maandooriyuhu haysato......
Wacyigelinta, Jihaynta iyo Shaqo-Abuurka Dhalinyarada
Waxaan xaqiijin doonaa in waxbarashada la siinayo ubadka reer Puntland ay noqoto mid ku salaysan baahiyaha shaqo iyo horumarineed ee dalka si loo xaqiijiyo in dhalintu shaqo hesho markay waxbarashada soo dhamaystaan,
Waxaan canshuur dhaaf siin doonaa shariikadaha ganacsi ee shaqaalaysiiya dhalinyarada xirfadlayda ah,
Waxaan samayn doonaa xarumo lagu tababaro dhalinyarada korna looqu qaado xirfadahooda shaqo, kuwaas oo ay iska kaashanayaan, dowlada, shariikadaha ganacsi iyo ururada aan dowliga ahayn…
Fududaynta Maalgashiga iyo dhismaha Kaabayaasha Dhaqaale
Waxaan dejin doonaa qorshe maalgashi oo hirgeli kara oo ku salaysan khayraadka dalka ceegaaga iyo baahiyaha bulsho,
Waxaan samayn doonaa howl-fududayn iyo taageerooyin soo jiidan kara maal-gashadayaasha sida; siin dhul, canshuur dhaaf iwm.., si ay ugu dhiiradaan inay dalka maalgashadaan, shaqo abuurna ugu sameeyaan dhalinyarada,
Waxaan xoojin doonaa arimaha aasaaska u ah maalgashiga iyo isu-socodka badeecadaha sida: Bangiyo caalami ah, sida xeerar iyo sharciyo ilaalinaya hantida iyo xaqa maalgashadaha, iyo dhismaha iyo casriyaynta kaabayaasha dhaqaale.....
Difaaqa Danaha iyo Deegamaada Puntland
Waxaan dejin doonaa qorshe cilmi, caqli iyo waaqic ku qotoma oo wax looga qaban doono amni darada ka jirta Puntland, mid Argagixiso, mid Cabtooy iyo mid cadowyada kaleba,
Samayn doonaa tirakoob iyo xaqiijin lagu eegayo tirada, tayada, tababarka iyo taagta ciidanka Puntland,
Samayn doonaa wacyigelin iyo kulamo kor loogu qaadayo wada-shaqaynta bulshada iyo laamaha amniga,
Waxaan wax ka qaban doonaa khilaafaadka iyo tabashooyinka bulsho si looga hortago inaysan cadowgu ka faa'iidaysan saluuga bulsho ee jira,
Waxaan samayn doonaa Barnaamij Shaqo qaran oo ardayda iskuulada kasoo baxda kor loogu qaadi doono dareenkooda wadaniyadeed, xirfadooda ciidan iyo doorkooda adeega bulsho.....
Ilaalinta Amaanada Shacabka iyo la Dagaalanka Musuqmaasuqa
Waxaan Dhisi doonaa Hay'ad madax-banaan oo ay hogaanka u hayaan aqoonyahan ay shacabku kalsooni ku qabaan, kuwaas oo awood buuxda u haysan doona kor u qaadista maamul wanaaga, la dagaalanka musuqmaasuqa iyo ka hortaga dhunsashada xoolaha dadweynaha,
waxaan dib u eegis ku samayn doonaa qaab-dhismeedka maamul iyo maarayn ee wasaaradaha, iyo laamaha kale ee dowlada.....
Wada Lahaanshaha Dowlada iyo Usinaanta Sharciga iyo Cadaalada
Si shacabku u dareemo inayn dowlada wax ka leeyihiin, waxaan xaqiijin doonaa in la dhamaystiro nidaamka axsaabta badan iyo in shacabka dadka hogaanka u qabanaya toos u soo doortaan,
Si sharci, garsoor iyo cadaalad loo siman yahay bulshadu u hesho;
Waxaan dib u habayn buuxda ku samayn doonaa laamaha Garsoorka iyo Cadaalada,
Waxaan dib u eegis ku samayn doonaa tayada iyo aqoonta shaqaalaha garsoorka iyo cadaalada, laamaha danbi baarista iyo amniga, iyo kuwa xabsiyadaba.....
Horumarinta Dhul-Xeebeedka iyo Deegaamada Laamiga ka Fog
As a result, there are now very few areas where government is not involved in our lives — a radical and alarming departure from our almost-forgotten tradition of a limited central federal governemnt and a decentralized and...
Doorkaaga qaado